KALA SOCO ARIMAHA BULSHADA

ARIMAHA QOYSKA MAQAALO IYO FIKRADO CAFIMAADKA(Su'aalo iyo Jawabo) NAGALA SOO XIRIIR

SIDEE LOO JOOGTEYN KARAA JACEYLKA???????

Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.

In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.

Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.

Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado.  Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.

Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska.

Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh.

Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.

Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenaya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys? W

W/SOO DIYAARISEY RUKIA OSMAN

wixii jawab ah ama fikarad ah ku so dir somalinimo.faith@yahoo.com

 

 

 

TAALAABOOYIN MUHIIM U AH LAMAANAYAASHA ISQABA SI AY U KOBCIYAAN JACEYLKOODA.

 1-Xiliga aad guriga dib ugu soo laabato ugu horeyn raadi halka ay ku jirto deedna xabad gili (Hab sii).

2-Si fog uga wareyso xaaladda maalintaas ku dhameeysatay , su`aalo badan ka weydii hadii ay jiraan wax ku soo kordhay maalintaasi .

3-Xoogga saar oo samee in aad la muragooto xiliga ay xanuunsaneyso ama dhib kale dareemeyso .

4-Dhunko(Shumi)macslaameey xiliga ad guriga ka baxeeyso.
5-xabadka gili(Habsii)ama qoorta qoorta u saar ugu yaraan afar jeer maalintii .

6-waan ku jeclahay ku dheh ugu yaraan maalintii laba jeer
7-u mahad celi marka ay howl ku sameeyso ama kuu qabato.
8-xiliga ay cuntada kuu diyaarineyso ammaan habka wax karinteeda.

9-ku boori oo u muuji mar waliba in aad la dhacsan tahay muuqaalkeeda .

10-Alaabtada muhiimka kuu ah adiga hagaajiso ha ka sugin in iyada uun ay kuu sameeyso .

11-Hadii maalin ay daalan tahay ama mashquul ay tahay saacideey oo howsha qabo sida in aad caruurta aad iskuulka u kaxeeyso , ama guriga hagaajisid ama cuntada .

12-Xoogaa nasasho ula bax banaanka magaalada iyadoo caruurta idinla socon .

13-La soo hadal adiga oo shaqo ku maqan weydii xaaladeeda xitaa hadaad wax kale weydo ku dheh oo u muuji waan ku Jeclahay .

14-Xiliga aad guriga ku soo laabato oo aad aqrisaneyso wargeys ama Tv-ga daawaneysid sii ugu yaraan 15-daqiiqo si aad iyaad uga dhageysato warka

15-Marka aad la hadleyso gacantaada saar qeyb ka mid ah jirkeeda sida gabarka ama dhabarka .

16-la soo hadal oo ku war gili hadaad maalintasi soo dib dhaceeysid oo aadan imaaneyn waqtigii aad Guriga tagi jirtay .


17-Marka aad safarka magaalada ka baxsan aad galeeyso la soo xariir una sheeg in si nabad ah ku gaartay magaalada aad dooneysay isla markaana sii Taleefanka lagaa heli karo .

18-U qorshee maalmo aad magaalada u baxeysaan , hana dhibsan hadey ay soo dahaado sida haddii ay labiska ku soo daahdo ha ku oran naga dhaqso waan daahnee .

19-Waxa u baahan in la soo sameeyo ee guriga yaal ama la doonayo in la keeno liis ku qoro isla markaana keen haka sugin in ay kugu soo war giliso .

20-Kaga nixi Hadiyado yar xiliyada qaarkood sida tiro ubaxyo ah , Shukalaato ama macmaanka noocyadiisa kala duwan ee ay Haweenka jecel yihiin ama wax kale oo ay u baahan tahay sida wax lagu xasuusto munaasabadii guurkiina , ama dhalashada .

21-Hadey ay xanuunsan tahay weydii xaalkeeda mar waliba isla markaanaa xasuusi xiliga ay daawada isticmaali laheyd si aysan u iloobin .

22-Xiliga jiifka ama hurdada haka dib dhicin oo hal xili la gal sariirta.

23-Hadey ay wax ku weydiisato ka diid ama ka ogalaaw laakiin ha canaanan oo haku qaylin oo erayo shucuur kale ku reebaya haku oran.

24-Haddii aad dhaawacdo shucuurteda is bar bar taag oo ku dheh wan ka xumahay dhaawaca aan kuu geeystay , kana aamus una daa in ay fahanto shacuurta ka muuqa