Arimaha Caafimadka

ARIMAHA QOYSKA MAQAALO IYO FIKRADO CAFIMAADKA(Su'aalo iyo Jawabo) NAGALA SOO XIRIIR



Viral Hepatitis S: waxaa jirta in soomalida dhamaantood ay qabaan,cudur aysan o gayn, laakiin ay fududaystaan inta garanaysana. Cudurkaan waxaa loogu yeeraa dhinaca soomalida, cagaarshow.oo aysan aqoon noocyadiisa. laakiin, dhinaca kale waxaa looyaqaan: hepetatis,A,B,C,D,E,F, Suaal, wax Daawa ah ilaa hada maloo helay Cuduradaan beerka kudhaca?  

J: Waad sidii aad u sheegtay oo cudurkaan ay somaalidu u taqaan cagaarshow qaarkiis waxaa keena viruses kuwaas oo noocyo badan leh sida aad xustay A,B,C.... Lakiin marka soomaalidu leeyihiin cagaarshow, waxay sharxayaan astaamaha lagu garto cuduro kala duwan oo ku dhaca beerka oo ay ka mid yihiin sidii aad sheegtay hepatitis (viral). Laakiin waxaa jira wax yaabo kale oo keeni kara in beerku dhibaato ay kaarto oo markaa qofku yeesho cagaarshow. Haddii aan u soo noqdo shu'aashaadii aheed daawo ma loo lehey? waxaa jirta in dhawaan ay soo baxeen daawooyin ay ka mid tahay waxa la yiraahdo interferon oo wax ka qabata hepatitis B ama C. Waxaa kale oo jirta daawo hadda wali ku jirta baaris gaar ah oo iyaduna wax ka qabata Hepatitis B. Laakiin, sida runtii ah daawooyinkaan inta badan qof kasto wax uma taraan, dhibaatoyin kalana way keenaan. Sidaa daraadeed ayaa inta badan qofka la siinayo daawooyinkaan waa in si gaar ah loo baaraa lana hubsadaa in uu u dulqaadan karo daawada. Marka inta badan dadka uu ku dhacay hepatitis B ama C waxaa u dirnaa dhakhaatiirta ku taqasustay beerka si loo fiiriyo in ay ku haboon yihiin in daawo la siiyo iyo in kale. Taasina waxay ku xiran tahay nooca hepatitiska ah ee qofka haya; heerka uu marayo; qofka caafimaadkiisa kale iwm. Waad ku mahadsantahay su'aasha wanaagsan. --------------------------------------------------------------------

Caadada Dumarka S: salaamu calaykuma dr waxaan rabaa inaad ku waydiiyo cadada ama dhiiga oo iga qaldama marka waxaan rabaa in aad waxa iga sheegto waxa aan ku saxi karo dhaqtaradu waxay igu dhaheena waxaa saxo kaniiniga dhalmada looga hor tago marka arintaas maxaa ka jiro kolaye adigaa dr soomali ah bal jawaab aan ka helo (da'da: 28 sano)

J: Dumarka caadada waxay helaan inta badan bishii hal mar. Inta badan haddii aysan dhibaato jirin caadada waxay qaadataa muddo qofka uu yaqaan. culayskeedana waa mid qofku uu garanayo. waa run mudada ama culaysaka caadada qofkasta isku si umma helo. Sidii aad sheegtay waa run in haddii cadaada ay noqoto mid ka baxsan tii qofka u caadiga aheed, dhakhaatiirtu waxay qofka siiyaan kaniiniga ilma dhalka la iskaga celiyo si caadadadu dib ugu soo noqoto caadi. Laakiin kaniinigu siduu u shaqeynayaa? si aad u fahamto arrintaan, waxaa muhiim ah in aad xoogaa ka fahamto waxa caadada keena iyo sida ay u shaqeyso. Dumarka waxay leeyihiin ilmo kal (uterus) kaasoo ay la socdaan meesha ukumaha ka soo baxaan (ovaries). Waxaa ovaries ka soo baxa dheecaamo loo yaqaan estrogen iyo progesterone. labaadaan dheecaan ayaa inta badan la xiriira ilmo kalka iyaga ayaana xukuma caadada. Kaniiniga ilma dhalka waxuu ka kooban yahay labadaan dheecaan oo la isku daray. Marka haddii qofka kaniinika la siiyo, waxay si toos ah u xukumayaan xiriirkii ka dhaxeeyey ovarieska iyo ilma kalka. Maadaama kaniiniku leeyahay in laqaan oo ah labada dheecaan aan kor ku soo xusay, si caadi ah ayaa loo xukumi karaa caadada taasoo aanan u baahneen tii gudaha laga xukumay. Marka waa sababtaa tan yeelaysa in dhakhaatiirtu isticmaasho kaniiniga ilmaha. Laakiin waxaanan si fiican ilaa iyo hadda loo aqoon wax yaabaha keena in caadadadu noqoto mid aan caadi aheen. marka, waxaan kugula talin lahaa haddii aad aragtay dhakhtar oo la hubsaday in aadan uur laheen dhibaato kalana aysan jirin, oo ay ku taliyeen in aad isku daydo kaniinika ilmaha la iskaga celiyo, arrintaa waa talo maskax gal ah. --------------------------------------------------------------------------------

Miisaanka Q. Dear Dr. Ibrahim, waxaan ahay gabar jirata 35 sano. Waxaan daganahay wadanka Amerika. Waxaan dhawaan arkay dhakhtarkeega. Waxuu ii sheegay in caafimaadkeygu fiican yahay laakiin, aan u baahahay in aan miisaanka iska rido. Annigu iskuma arko in miisaankeygu badan yahay, mana garanayo inta aan u baahanhay in uu noqdo miisaangeygu. Arrintaan wax ma iiga sheegi karta?

J. Su'aashaadu waa mid aad iyo aad u muhiim ah. Waxay leedahay qey ku saabsan caafimaadka iyo qeyb ku saabsan dhaqanka. Sida aad la socoto miisaan badnida aad iyo aad ayey ugu badan tahay dalka USA (American). Boqolkiiba waxaa miisan badan saaran yahay ugu yaraan kontan iyo afar (about 54%). Marka waa arrin (ama tiro) aad iyo aad u fara badan. Dhinaca caafimaadka haddii aan ka hadlo, miisaan badida waxay leedahay arrimo badan oo caafimaadka wax u dhima. Taasi waxay ku xirinitahay inta miisankaagu la egyahay. Inta aanan kuu sheegin inta ay ururada ay ka midyihiin world health organizationka (WHO) ay u arkaan in qofka miisaankiisu noqdo, aan kuu sheego caafimadka dhibaatada la aamin sanyhay in miisaan badinta u keento. Miisaanka badan waxuu keenaa cuduradan: wadno xanuun (heart disease); Kaadi sokorow (diabetes); Kaanser (cancer) lafa/xibno xanuun (arthritis) Hurdo xumi/neefwaa (Sleep apnea) iyo wax la mid ah oo fara badan. Aqoon yahano badan ayaa aaminsan in qofba qofka uu ka miisaan badan yahay uu halis u yahay in uu hor dinto (increased mortality). Haddii aan u soo noqdo arrintii aheed, meeqa ayuu miisaangeeku ku haboon yahay, waxaa miisaan badinta loo qeybiyaa 3 darajo: inta u dhaxeeysa 25-29 kg/m2 waxa ay dhahaan BMI oo aan dib kuugu sharxi doono. in ka badan 30 kg/m2 in ka badan 40 kg/m2. Waxii ka yar 25 kg/m2 waxaa loo haystaa in aysan cudur badan keenin. Miisanka markii uu ka bato 29 kg/m2 waxaa si too ah wax ugu dhimayaa caafimaadka. Miisaanka haddii uu gaaro 40 kg/m2, xaalka waxuu u badan yahay in uu halis noqdo dhinaca caafimaadka. Hadaba su'aasha waxay tahay sidee aan u garta BMI keega? waad is miisaameysaa. waxaad miisaankaaga u badelaysaa kg (kilogram); sidoo kale waxaad fiirinaysaa dherarkaaga oo u badalaysaa miters oo labajibbaaran (square). ka soo qaad in aad tahay 200 oo bound. dheerarkaaguna uu yahay 6 feet. Waa maxay BMI kaagu? miisaankaagu waa 91 kg. dheerakaaguna waa 1.8 meters. Marka waad squarekareen (labajibbaar) meters taas oo noqonaysa 3.24. Marka waxaad isku qeybin 91 kg/3.24 m2= 27 kg/m2. marka BMI kaagu waa 27 kg/m2. Waxaana ugu haboon 25 kg/m2 iyo waxii ka yar. Maadaama aad hadda baratay sida BMI kaaga loo soo saaro, waxaad u baahan tahay in haddii uu BMI kaagu ka dheeryahay 30 kg/m2, in aad la tashato dhakhtarkaaga sidii aad miisankaaga hoos ugu dhigi laheed. Waad ku mahadsan tahay su'aashan wanaagsan ee aad iyo aadka u muhiimka ah ee aad weydiisay. Dr. Ibrahim. -------------------------------------------------------------------------------- -----------------

 Depressionka S: Asalaamu caleykum DR Ibraahim Marka hore Ilaahay kakaa abaal mariyo sida aad dadka suaalahooda uga shaafinaysid. Suaal: Waxaa